Home Afsomali Al-Shabaab oo sheegtay inay weerareen Ciidamo loo diyaariyay Sugida Amniga doorashada Kenya

Al-Shabaab oo sheegtay inay weerareen Ciidamo loo diyaariyay Sugida Amniga doorashada Kenya

Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Gaadiid ay wateen Ciidamada Kenya xillo ay marayeen duleedka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyo Bari, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ciidamada la weeraray oo ka baxay Magaalada Wajeer ayaa ku wajahnaa degaanka Riba, waxaana ay dagaal kooban la galeen Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee weerarka jidgalka ah ku qaaday.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay in Kolonyada Ciidamada ay ku weerareen duleedka Magaalada Wajeer ay ahaayeen Ciidamo loo diyaariyay sugida Amniga doorashooyinka dhawaan ka dhacaya Kenya.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka Kenya ee Gobolka Waqooyi Bari ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Ciidamada Kenya ay Al-Shabaab u dhigeen qaraxyo, sidoo kalena ay ku qaadeen weeraro tios ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.