Home Afsomali Al Shabaab oo weerar khasaaro geestay ka fulisay Deegaanka Banisa oo kuyaala...

Al Shabaab oo weerar khasaaro geestay ka fulisay Deegaanka Banisa oo kuyaala duleedka waqooyi ee magaalada Mandheer

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar khasaaro geestay ka fuliyay deegaan lagu magacaabo Banisa oo kuyaala duleedka waqooyi ee magaalada Mandheera, waxaana weerarkan lala beegsaday dad halkaasi ku sugnaa.

Al Shabaab ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in weerarkaasi ka dhacay duleedka magaalada Mandheera iyagu ka dambeeyeen, waxa ayna xuseen in weerarkaasi ku dileen labo qof oo Kenyan ah.

Dowlada Kenya ayaan wali ka hadlin weerarkan khasaaraha geestay ee Al Shabaab ka fuliyeen gudaha Kenya, waxaana howlgalo kawada deegaanka weerarku ka dhacay ciidamo katirsan milatariga iyo booliiska Kenya.

Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaaf kordhisay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan deegaanada hoostaga magaalada Mandheera iyo sidoo kale gobolka xeebta ee Lamu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.