Home Afsomali Al-shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada Kenya ee ku sugan Lamu.

Al-shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada Kenya ee ku sugan Lamu.

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa dagaal la galay dagaalameyaal ka tirsan Al Shabab oo weeraray saldhig booliis oo ku yaala Magaalada Lamu ee dalka Kenya.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku waramaysa in weerarka uu ka dhacay degaanka Lamu ee gobolka xeebta, islamarkaana laga hortagay kooxda weerarka ku qaaday halkaasi.

Telefishinka NTV ee laga leeyahay dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Kenya heegan Buuxa la geliyay, si ay ugu hortagaan weeraro ka yimaada kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Kenya weli wax faah faahin ah kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo weerarka tooska ah oo mas’uuliyadooda ay sheegteen Ururka Al-Shabaab.

Goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxa horay dhowr jeer weerar ugu qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.