Home Afsomali ALLOW CADAWGA HA U JEBIN.

ALLOW CADAWGA HA U JEBIN.

Caaqilkii garaadliyo
Carta ruuxi joogaa
Cisiga reer Jabuutiyo
Cismaaciil yaqaanee.

Waa Cashiiradeenee
Allow cadawga ha u jebin.

Markii ciirsantahayoo
Talo kaa cadibantahay
Walaal ceymadaadiyo
Cududdaada jecelbaa
Kaa qaada ciiddee.

Waa cashiiradeenee
Allow cadawga ha u jebin.

Imaaraadka carabtiyo
Colkaa Afaweekiyo
Cayayaan qarsooniyo
Belaa u cubtameysoo
Raba iney cadhowdee.

Waa cashiiradeenee
Allow cadawga ha u jebin.

Xigasho Cusmaan Cabdulaahu Guure Abwaan Guure

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.