Home Afsomali Alshabaab oo dagaal iyo ismiidaamin xoogan kula wareegay Degaanka Sabiid ee...

Alshabaab oo dagaal iyo ismiidaamin xoogan kula wareegay Degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaal culus ayaa saaka waaberigii hore waxaa degaanka sabiid oo 8km dhinaca Koonfur kaga beegan degmada Afgooye ee Goblka Shabeellaha Hoose uu ku dhex-maray Ciidamada dowladda Soomaaliya & Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada dowladda ku leeyihiin Buundada Sabiib, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dagaalka Al-Shabaab khasaaro ku garsiiyeen, balse Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku sheegteen inay la wareegeen degaanka Sabiit oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

  1. Warkan kasoo baxay Al-Shabaab ee ku aadan inay dagaal kula wareegeen degaanka Sabiid ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaan weli ka hadlin saraakiisha Cidiamada dowladda Soomaaliya & Maamulka degmada Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.