Ururka Al Shabaab ayaa digniin adag hawada usoo marsiiyay Dhalinyarada kunool magaalada Muqdisho ee doonaya in ay qeyb ka noqdaan dhalinyaro kun gaaraya oo maamulka gobolka Banaadir shaqooyin u abuurayo.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa dhawaan ku amray in maamulka gobolka Banaadir shaqo u abuuraan kun kamid ah dhalinyarada shaqo la’aanta ah ee kunool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Maamulka gobolka Banaadir ayaana balan qaaday in shaqo loo abuurayo Kun dhalinyaro ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaana dhalinyaradaasi shaqada loo abuurayo si siman loogu qeybiyay degmooyinka gobolka Banaadir.
Afhayeenka dhanka hawlgalada Ururka Al Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa uga digay dhalinyarada Muqdisho in ay qeyb ka noqdaan barnamaijka shaqo abuurka gobolka Banaadir wado , waxa uuna tilmaamay in shaqo aysan jirin balse dhalinyaradaasi laga dhigayo Askar Sirdoon ah.
Waxa uu sheegay Afhayeenka in la doonayo in degmada kasta laga qorto 55-Dhalinyaro ah si askar jawaasiis ah looga dhigo, waxa uuna tilmaamay in shaqadaasi dhalinyarada lagu qaldayo laguna siinayo 100-dollar ama 150- Dollar oo noloshooda halis galin karta.
Al Shabaab ayaa uga digtay Waalidiinta Soomaaliyeed in dhalinyaradooda ka ceshtaan Barnaamijkan shaqo abuurka ah, waxa uuna ku hanjabay in Al Shabaab beegsan doonaan dhalinyarada qeyb ka noqota barnaamijkan.
“Waxaan uga digaynaa dadka waalidiinta ah oo muslimiinta ah guud ahaan in ilmahooda oo intaas ku soo dhibtoonayaay oo Jaamacad ka saaray ama iskuul ka saaray, in canugoodu maanta boqol dollar ama 150 doolar uusan naftiisa halis u galin , waxaa weeye isagoo meel daran taagan mujaahidiintu halkaas ku beegsan oo ku dili doonaan, caruurtiina Mustaqbalkooda ku dadaala haddii aadan muslimiinta ku taageerayna ka ceshada.” Ayuu yiri Abuu Muscab
Hadalka Al Shabaab kasoo yeeray ayaa kusoo aadaya Xili magaalada Muqdsisho ka socoto qorista dhalinyarada maamulka gobolka Shaqo abuurayo, waxaana dad badan wali isweeediinayaan waxa ay dhalinyaradan qaban doonaan, iyadoona bishii Mushaar ahaanau qaadan doonaan 150-Dollar.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view