Home Afsomali Alshabaab oo dil toogasho ah ku fuliyey Hogaamiye Mustaf Hassan Maxamed....

Alshabaab oo dil toogasho ah ku fuliyey Hogaamiye Mustaf Hassan Maxamed. ka dib Amardiido uu sameeyey

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay dileen muwaadin Kenya u dhashay oo ka tirsanaa Saraakiisha Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalamayey.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya oo soo xiganayay ehelada sarkaalka la dilay iyo sirdoonka dalkaas ayaa sheegay in lagu magacaabi jiray Mustaf Hassan Maxamed.

Dilkiisa ayaa yimid markii uu ka soo hor-jeestay weerarada Al-Shabaab ka geysanayeen gobolka waqooyi bari Kenya uuna la murmay saraakiisha Al-shabaab taasoo keentay in la qaarajiyo.

Al-Shabaab kama hadlin sarkaalkan iyaga ka tirsanaa ee dilkiisa lagu eedeynayo, mana jiraan warar madax banaan oo arintan ka hadlaya marka laga yimaado sirdoonka Kenya oo warkan laga soo xigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.