Home Afsomali Alshabaab oo gacanta Midig ka jarey Cismaan Manuureey

Alshabaab oo gacanta Midig ka jarey Cismaan Manuureey

Fagaare kuyaal deegaanka Doon Buraale ee duleedka degmada Qoryooleey waxaa  ka dhacay xakun gacanta looga jarayey  Cismaan Manuureey Muxamed .

Maxkamadda Alshabaab ee Sh/hoose ayaa xukun gacan goyn ah ku ridday Cismaan Manuureey oo ay shegeen in lagu helay  fal tuuganimo ah .

Cismaan Manuureey Muxamed oo kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka Doon buraale ayaa goob fagaare ah looga gooyay gacanta midig.

Qaadiga maxkamadda ayaa fagaarihii uu xukunku ka dhacayay ka sheegay in Cismaan uu jabsaday dukaan ganacsi uuna ka qaatay lacag ka badan lix malyan oo Shilin Soomaali ah.

Maamullada Islaamiga ah ee ka jira gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa tadbiiqiya shareecada islaamka waxayna dadku ku heleen ammaan iyo kala dambayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.