Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu qaabilsan gobolka Galgaduud Shiikh Xasan Yacquub Cali aya fagaare ku yaala degmada Galhareeri oo ka tisan gobolka Galgaduud salaadii ciidul adxaa kula tukaday boqolaal shacab ah.
Shiikh Xasan Yacquub Cali ayaa khudbad uu ka jeediyey fagaarahaas salaadii ciida ka dib waxaa uu ka waramay arrimo badan oo ku saabsan xaalada wadanka iyo dagaalka ay kula jiraan dhinacayada ka soo horjeeda.
Wuxuu sheegay in weeraro isdaba joog ah oo ay ciidamada Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidanka Itoobiya ee Galcad iyo Budbud uu sababay in ciidamada Ethiopia ay isaga cararaan degaanadaas.
Salaada Ciidda ka dib waxaa gudaha degaanka Galhareeri dhoolatus millateri ku soo bandhigay ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo watay gaadiidka dagaalka.