Home Afsomali Alshabaab oo la wareegay dagmada Ceelwaaq ee Gobolka gado iyo isgaarsiintii oo...

Alshabaab oo la wareegay dagmada Ceelwaaq ee Gobolka gado iyo isgaarsiintii oo Maqan Halka maamulkii dowladune is xaadiriyeen saaldhigyada ciidamada kenya

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab xalay ay gudaha u galeen degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in Al Shabaab ay la wareegeen guud ahaan gacan ku heynta degmadaasi.

Wararka madaxa Banaan ee la helay ayaa sheegaya In Al-Shabaab ay degmada Ceel-waaq kala wareegeen Ciidan aan badneen oo halkaasi ku sugnaa iyo Ciidamada Kenya balse dib looga qabsaday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyay jiritaanka warkan, iyaga oo sheegay in Al Shabaab hawada ay ka saareen Isgaarsiintii magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uuliyiinta maamulka degmada Ceelwaaq ay u baxeen dhanka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Gedo Ismaan Nuux Xaaji oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay uga hortagayaan weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan gobolkaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.