Xoogaga Al-shabab ayaa saaka waaberigii weeraray saldhiga booliska degaanka Arabiya oo ku yaalla duleedka degmada Mandhera ee dhulka N.F.D.oo la aamin san yahay in uu ka mid yahay dhulka soomaaliyeed
Taliye-xigeenka ciidanka booliska degaanka Lafey, Col. Eric Oronyi ayaa Wargeyska The Nation u sheegay in Kooxo ka tirsan Al-Shabaab ay askar ka tirsan Ciidanka Kenya ku dileen xeradda Booliska ee la weeraray, isla markaana uusan xaqiijin karin khasaaraha dhabta ee ka dhashay weerarkaasi.
Col. Eric Oronyi ayaa intaa ku daray in sidoo kale kooxaha weerarka soo qaaday ay burburiyeen Towerka Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ku leedahay Degaanka Khoror Farar.
Weerarkan ayaa yimid maalmo ka dib, markii uu Taliyaha ciiddanka Booliska Kenya, Joseph Boinnet iyo Saraakiil kale ay booqdeen saldhigyada Booliska Degmada Mandhera.
Al-shabaab ayaa Jimcihii ina dhaaftay dagaalo culus ku qabsady saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin degaanka Kulbiyow ee Gobolka J/Hoose kaasoo khasaare xoogan uu ka soo gaaray ciidanka Kenya.
https://youtu.be/_JzDaxj-c6c
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0