Jug culculus ayaa saaka xiiradii hurdada ka kicisay in badan oo ku nool Magaalada Muqdisho taasi oo siweyn looga maqlay xilligii Salaada Subax siweyna u dareemeen cabsina ku abuurey.
Sida aan warkaan ayaa sheegaya in qaraxyo lagu xirey qaar kamid ah Kaamirooyinka ay hay’adaha Amniga Soomaaliya ku xireen Wadooyinka Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.
Xilliga ay dhacayeen Jugta qaraxyada ayaa waxaa markii hore ay dadka u maleynayeen in hoobiyeyaal ay kusoo dhacayaan magaalada Muqdisho,hayeeshee markii uu waagii baryey la ogaadey in la qarxiyey qaar kamid ah kaamirooyinka lagu xirey meelo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama.
dhalinyaro tegay qeybo badan oo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa sheegeen in dhowr kaamirooyin ah la qarxiyey,kuwaas oo gebi ahaan burburey.
Goobaha wadooyinka ah ee lagu xirey Kaamirooyinka ayaa waxaa inta badan Bar-koontorool oo Gaadiidka lagu baaro ku leh Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,hayeeshee aan la ogeyn sababta keentay in kaamirooyinka qaraxyo lagu xiro lana qarxiyo.
Dowlada Soomaaliya ayaan weli wax war ah kama soo saarin kaamirooyinka la qarxiyey,waxaana saaka si caadi ah u Shaqeynaya Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ee wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku xirnaayeen kaamiooyinka la qarxiyey.