Home Afsomali AMISOM oo baaris Amni ka billowday gudaha Xerada Xalane

AMISOM oo baaris Amni ka billowday gudaha Xerada Xalane

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka qaadya in Maanta oo  Jimco ah ay baaritaan Amni ka sameyn doonaan Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho oo dhawaan ay weerar ka geysteen dableey katirsan Ururka Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in inta uu baaritaanka ka socdo garoonka diyaaradaha Muqdisho loo ogolaan doono kaliye inay galaan dadka safraya ama dhoofaya.

“AMISOM waxay 1-da abril baaris amni ka sameyn doontaa gudaha saldhiga Xalane, si ammaanka loo hubiyo. Saldhiga wuxuu ahaan doonaa mid si buuxda loo xiri doono illaa labada Abril,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AMISOM.

Tan iyo markii Al-Shabaab ay weerarka ka geysteen Xerada Xalane ayaa waxaa Garoinka diyaaradaha lajirtay cabsi Amni, taas oo keentat in AMISOM ay Maanta Xerada Xalane ka billaawdo baaritaano dhinaca Amniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.