Home Afsomali AMISOM oo laga dalbaday iney la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada dowlada Somalia

AMISOM oo laga dalbaday iney la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada dowlada Somalia

Nigerian Formed Police Unit personnel serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM), attend a medal award ceremony to mark the end of their tour of duty in Somalia on January 09 2020. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

AMISOM oo laga dalbaday iney la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada dowlada Somalia Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa ka codsaday AMISOM inay la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamda Amniga Soomaaliya si looga hortaggo iska horimaadyo ka dhaca Magaalada Muqdisho.

War murtiyeedkii ka soo baxay midowga Afrika ayaa sidoo kale Guddoomiyaha Midowga Afrika looga codsaday inuu qabto shirka dalalka Ciidamada ka jooga Soomaaliya heer Safiiro iyo heer taliyeyaasha ciidamada si looga tashado tilaabooyinka laga qaadi doono dhinacyada Soomaalida haddii ay isku dayaan gacan ka hadal.

“Waxaa ka codsaneynaa AMISOM, inta laga cusboonaysiinaayo waajibaadkeeda, inay la socoto dhaqdhaqaaqa Ciidamada Amniga ee Soomaaliya, sidoo kale waxaan ka codsaneynaa Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, inuu si deg deg ah u qabto shirarka Wadamada Ciidamada ku biiriya AMISOM, heer safiirnimo, iyo sidoo kale Guddiga Isku-dubbaridka Hawlaha Milatariga ee heerka Taliyeyaasha Difaaca, si loo tixgeliyo saameynta amniga ee is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa ayaa u muuqda inay ka fashilmeen qorshihii dalalka caalamka aqoonsiga uga raadinaysay muddo kororsiga ay dhowaan u sameeyeen xildhibaanaga golaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.