Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Salah Jama, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray munaasibad lagu xusayo...

Ra’iisul Wasaare Salah Jama, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray munaasibad lagu xusayo maalinta nabadda adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliy, Mudane Salah Jama, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray munaasibad lagu xusayo maalinta nabadda adduunka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisinta.
Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa xusay muhiimadda ay nabaddu u leedahay dalkeena oo soddonkii sanno ee la soo dhaafay ka dhaceen dagaalo sokeeyo oo ragaadiyey dowladnimadeena.
Intii ay munaasibadu socotay ayaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxa uu xusay in Soomaaliya oo nabad ku naaloota ay uga dhimman tahay inta aynu iska kor qaadayno cadawga argagixisada ah.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ku baaqay in dhiiri galin iyo garab istaag loo muujiyo ciidamada qalabka sida iyo shacabka is abaabulay ee dagaalka cirib tirka kula jira argagixisada al-Shabaab si dadkeenu u helo nabad waarta iyo dowladnimo baahsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.