Home Afsomali AMISOM “Waxaan diyaar u nahay Doorashada dalka…”

AMISOM “Waxaan diyaar u nahay Doorashada dalka…”

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa 23 sarkaal u xilsaartay taageerada Booliiska Soomaaliya & mas’uuliyadda qabsoomidda Doorashooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka & Madaxweynaha.

Nigerian Formed Police Unit personnel serving under the African Union Mission in Somalia (AMISOM), attend a medal award ceremony to mark the end of their tour of duty in Somalia on January 09 2020. AMISOM Photo / Ilyas Ahmed

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa 23 sarkaal u xilsaartay taageerada Booliiska Soomaaliya & mas’uuliyadda qabsoomidda Doorashooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka & Madaxweynaha.

Taliyaha Booliiska AMISOM Augustine Magnus Kailie oo la hadlay Saraakiishaan waxa uu ku booraiyay in ay dedaal dheeraad ah lasoo baxaan si ay u gutaan waajibaadka ay u igmadeen sida uu hadalka u dhigay.

“Howl shaqeydkiinu waa taageerista Booliiska Soomaaliya, waxa aad ka caawineysaan arrimaha Doorashooyinka waana tan ugu muhiimsan ka qaybgalkiina howshaan, Doorashadu waa tan ugu muhiimsan, fadlan waa in aad ku shaqeysaan xirfaddiina ilaalinta goobahaas” ayuu yiri Taliyaha Booliiska AMISOM.

Saraakiishaan ayaa howlgalka Booliiska AMISOM ku metalaya Dalalka Uganda, Kenya, Zambia, Ghana & Sierra one, waxaana caawinaya Ciidamada kale ee ku sugan Xarumaha Dowlad-Goboleedyada oo dhankooda la siiyay tababaro kala duwan.

owlgalka Midowga Afrika ayaa shaaciyay in uu diyaar u yahay ka qaybgalka sugidda amniga goobaha loo qorsheeyay in lagu qabto Doorashooyinka Senatarada Aqalka Sare, Golaha Shacabka BFS & Madaxweynaha.

Saraakiisha AMISOM waxa ay ka qaybgaleen kulamada looga hadlay amniga goobaha lagu qabanayo Doorashooyinka Dalka iyo fadhiyada kale ay yeesheen saraakiisha Dowladda Federaalka ee mas’uulka ka ah xasiloonida Magaalooyinka doorashooyinka loo qorsheeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.