Home Afsomali Aqriso Cabashada Xildhibaan hore Caasha Axmed Cabdalla

Aqriso Cabashada Xildhibaan hore Caasha Axmed Cabdalla

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Ku: Raysalwasaaraha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble
Og: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya
Og: Xeer-Ilaaliyaha Guud Dawladda Fadaraalka Soomaaliya
Og: Madaxda Maamul-Goboleedyada Dalka

Bismallaahi Rahmaani Rahiim

Annaga oo ah bulshada qaybeheeda kala duwan–wax garada, dhallinyarada, haweenka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, iyo dhaqanka gobollada Sanaag, Sool, iyo Degamada Buuhoodle, oo bulsho ka soo jeedda halgamayaashii naftooda u huray qarannimada Soomaaliyeed illaa iyo maantana u taagan dib u soo celinta qarankii Soomaaliyeed:

Waxaan dawladda Soomaaliyeed masuuliyiinteeda dacwad uga nahay xad-gudubka nala kula kacay horay iyo dibba, iyadoo aan nala marsiin wixii aan mudnayn. Dawladdii tan ka horraysay ee 2016 xilligeedu dhammaaday oo Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha ka ahaa, raysalwasaarena ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa khaladka u weyn nagula kacday, ka dib markii kuraastii gobolladan loo adeegsadey qaab siyaasadaysan oo dad kale loogu wareejiyey, si sharciga iyo Dastuurka dalka baal marsan.

Waxaa la baal maray Dastuurka ummaddu ku heshiisey, kaas oo loo asteeyey, markay noqoto qaybsiga kuraasta Aqalka Sare 3 xubnood gobolkiiba, sida Qodobkii 72-aad ee Dastuurka Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ku qeexan “… 54 Xildhibaan oo ka imaanaya 18kii gobol ee Soomaaliya lahayd ka hor 1991kii.” Saldhig qodobka waxa u ah 18-kii gobol ee dalka wixii ka horreeyey 1991-kii, taasoo wadarta kuraasta ka dhigaysey 54 (18×3=54), hase yeeshee, Dastuurka iyo sharciga lama waafajin, hab xeer-jajab ah iyo cod raadsasho bay ku dhammaatay, iyadoo kuraastii gobolladan 4 ka mida si khalada loogu wareejiyey maamulka la magac baxay Somaliland.

Dhibku meesha uu ka jiro waxaa weeye madasha la fadhiyey ama miiska wada-hadalka, waa ka maqanaayeen gobolladan, sidaa darteed, cid xaquuqdooda u doodda ma jirin, waana nasiib darrooyinkii waaweynaa ee dalka ka dhacay mid ka mida ilaa iyo intii xornimadii la qaatay ka dib.

1. Afar kursi baa nagaga maqan Aqalka Sare (2 Sanaag ah, 1 Sool ah, iyo 1 Degamada Buuhoodle ah), ee waa in dawladda fadaraalka ka ahi ka soo celisaa gobollada boobay (kuraasta Aqalka Golaha Shacabka nagaga maqan, ayaa iyana jira). Kuraastaas, oo maamul goboleed lagu qaatay, waa haddii cadddaaladda ay sheegto dawladdu run tahay.

2. Waxaan soo jeedinaynaa in dib loogu noqdo dhamaan kuraasta Aqalka Sare sida sharci darrada ah loo boobay. lana waafajiyo Dastuurka iyo Xeerka dalka u degsan.

3. Dacwaddii hore ee aanu geyney dawladdii markaas joogtey iyo annagu, waxaan ku heshiinney in lagu daro tirada Aqalka 18-xubnood, laakiin lama fulin.
4. Waxaan aragnaa hadda caddaalad darro tii ugu weynayd oo la galay, iyo dulmi mar labaad ka soo if baxay Aqalka Sare, iyada oo aan laga hadlin tii hore ee 18-ka xubnood loogu dari lahaa, dadkii kuraas aanay ka maqnayn, baa mar kale 13-kursi oo hor leh loogu daray, kuwo awelba dheeraad haystey. Waxaan maqli jirney ‘gar qaboo gaade ku dar.’

5. Intii miiska wax qaybsiga fadhidey baa ka shaqaysay caddaalad darro, oo dad kale ku raalli geliyey, ama cod ku raadsaday kuraastii ay layaayeen gobolladan.

Sidaa daraaddeed, waxan si naxariis leh uga codsanaynaa masuuliyiinta Dawladda Fadaraalka Soomaaliya in arrinkan aan dacwadda ka nahay il-gaara lagu eego, kuraastaana sida u dhakhso badan loogu soo celiyo dadkii xaqa u lahaa.

—————————DHAMMAAD——————

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.