Home Afsomali Aqriso magacyada dhalinyaro lagu eedeeyey in ay yihiin Alshabaab oo Maxkamada...

Aqriso magacyada dhalinyaro lagu eedeeyey in ay yihiin Alshabaab oo Maxkamada maamulka Gobolada dhexe ay Xukuno ku riday

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Ahlu Sunna ayaa xukuno ku riday 4 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Dadkaan xukunnada lagu riday ayaa Ciidamada maamulka Ahlusunna waxa ay kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Magaalooyinka Guraceel iyo Dhuusamareeb.

Afhayeenka Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe, C/nuur Maxamed Xuseen oo warbaainta la hadlay ayaa xaqiijiyay in dadkaasi xukuno lagu riday.

Magacyadda dadka la xukumay ayaa kala ah:

C/qaadir Barre Xaashi Faarax 26 jir, laba sano oo xabsi ah
C/raxmaan Diiriye Cabdulle Dhiblaawe 27 jir, laba sano oo xabsi ah
Xasan Cabdi Xaashi Carab 29 jir, laba sano oo xabsi ah
C/xafiid Xasan Muxamed Beyle 31 jir, laba sano oo xabsi ah

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.