Warbixin uu daabacay Wargeyska Newsweeka ee ka faalooda arrimaha qaaradda afrika ayaa lagu sheegay in Xarakada Al-shabaab oo xiriir dhow la leh ururka Al-qaacida ay ku qaadatay Seddex sano in ay ku ku dhaafto hoggaanka dilalka ugu badan kala wareegto ururka Islaamiga ah ee ka dagaalama dalka Nigeria Boko Haram taasoo markii hore aheyd kooxda geysatay dilalka ugu badan ee dunida.
kooxo Boko-haram ee ka dagaalanta qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika ayaa sanadkii 2010-kii geysatay dilalka ugu badan islamarkaana waxaa lagu sheegay in ay tahay Hogaanka dilalka ugu badan ee dunida ka dhaca gaar ahaan qaaradda Afrika.
Warbixinadii ugu dambeeyey ee lasoo saaray islamarkaana lagu daabacay Wargeyska Newsweek ayaa lagu sheegay in isbadal weyn oo ku dhacay dilalka ay geystaan labadaan dagaalyahan, waxaana lasoosaaray kooxaha ugu dilka badan Africa (AlShabaab, Boko Haram iyo Daacish).
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in AlShabaab ay sanadkii 2016-kii mas’uul ka ahaayeen dilka 4,281, halka Ururka Boko Haram uu geystay dilal gaarayo 3,499 isla sanadkaas 2016 taasoo muujineyso in AlShabaab ay xagga dilalka ka sare martay Boko Haram sida ay xog kusoo aruurisay Armed Conflict Location & Event Data Project ( ACLED ) oo kaashanayo Africa Center for Strategic Studies oo xulafo la ah waaxda Gaashaandhigga Mareykanka.
Waa markii ugu horeysay oo ay AlShabaab ka kor marto Kooxda Boko Haram xagga dilka tan iyo sanadkii 2012-kii, sidoo kalana waxay AlShabaab ka sare martay xagga dilalka ururka Islamic State militant group (ISIS) taasoo Africa ka geystay dilal gaarayo ilaa 2,350 sanadkii 2016-kii, oo Soomaliya loogu dhawaaqay.
Boko Haram ayaa ah ururka Africa ka geystay dilalka ugu badan guud ahaan waxayna ka sareeyaan AlShabaab iyo Daacish.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view