Home Afsomali Aqriso Xildhibaan sheegay in raga ay xaq u leeyihiin in ay edbiyaan...

Aqriso Xildhibaan sheegay in raga ay xaq u leeyihiin in ay edbiyaan xaasaskooda mararka qaarna garaacaan hadii ay ka amar diido

Xildhibaan u dhashay dalka Uganda oo Wareysi siiyay Telefishin dalkaasi laga leeyahay ayaa ka dhawaajiyay hadal dood badan dhaliyay dad u badan haweena si weyn ay uga caroodeen.

Xildhibaan Onesimus Twinamasiko, ayaa Wareysi uu siiyay Telefishinka NTV ee dalka Uganda waxa uu ku sheegay in raga ay xaq u leeyihiin in ay edbiyaan xaasaskooda mararka qaarna garaacaan hadii ay amar diido ku sameyso.

“Raga waxa ay xaq u leeyihiin in ay edbiyaan xaasaskooda , mararka qaarkoodna way garaaci karaan, si ay u toosiyaan xaasaskooda , haddey amar diido ku sameyso.” Ayuu yiri Xildhibaan Onesimus Twinamasiko.

Hadalkan kasoo yeeray Xildhibaanka ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay baraha bulshada , waxaana hadalkan si weyn uga xumaaday raali galin in uu bixiyo ka dalbaday Xildhibaanka Haween badan oo kasoo jeeda Uganda iyo Wadamo kale.

Koox u dooda xuquuqda arrimaha haweenka ayaa si kulul u dhaleeceesay hadalka Xildhibaanka , waxa ayna kooxdan kula taliyeen Xildhibaanka inuu dawo u raadsado dhaqtar maskaxda ah.

Dalka Uganda ayaa kamid ah goobaha sida weyn loogu xad gudbo haweenka , waxaana la sheegay shantii haweenba in mid kamid ah lagula kaco xadgudub jismiyeed ama mid ka dhaca guriga gudihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.