Home Afsomali AS oo dagaalka Masagawaa ku dishay Nabadoonkii Madaxweyne Xasan Sheekh, dad la...

AS oo dagaalka Masagawaa ku dishay Nabadoonkii Madaxweyne Xasan Sheekh, dad la la’yahay nolol iyo geeri, Gurmad gaaray Masagawaa, iyo uruurinta meydadka oo socota

 

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugnaayeen deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa la sheegay in juu bilowday qaraxyo ismiidaanin ah , waxaana qaraxyada kaddib xerada weerar toos ah ku qaaday dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab .

Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka dagaal adag kala hortgaeen Shabaabkii soo weeraray.

Saraakiil katirsan Al Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta ayaa sheegay in ay la wareegeen saldhigii ay weerareen iyo guud ahaan deegaanka Masagawaay, waxa ay sidoo kale sheegeen in halkaasi ku dileen askar badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.