Home Afsomali Askari ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland oo Xukun dil ah lagu riday

Askari ka tirsanaa Ciidanka Jubbaland oo Xukun dil ah lagu riday

Maxkamadda ciidamada qaybteeda Jubbaland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar) oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland.

Askarigan ayaa lagu helay in la dilay marxuum la oran jiray Maxamed Deeq Nuune Saalax taariikhdu markay ahayd 6dii Bishii Oktoobar ee sanadkii 2022-kii.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa dhagaystay dhowr mar oo kala duwan garmaqalka kiiskan maanta xukunkiisa ay ku dhawaaqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.