Home Afsomali Askari Munishiibiyo ah Qof Darawal Mooto bajaaj ;le ah u dilay...

Askari Munishiibiyo ah Qof Darawal Mooto bajaaj ;le ah u dilay lacago lagu Sheegay Canshuur oo gacanta lagu dhigay

Duhurnimadii Maanta oo Khamiis ah ayaa  Askari ka tirsan ciidamada Minashiibiyada waxa uu Degmada Shangaani ee Gobolkaan Banaadir uu ku dilay qof Shacab ah.

Qofla la dilay ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu haa Wade Mooto Bajaaj,waxana la sheegay in dhowr Xabadood uu ku dhuftay Askarigii sidaasna uu ku geeriyooday Bajaajlihii.

Askariga wax dilay oo ku hubeysnaa Bustoolad iyo Marxuumka geeriyooday ayaa marka hore waxaa dhex maray muran ku saabsan in uu Askariga Wadaha Bajaajta uu ka doonayay lacag Canshuur ah,waxana muran kadib Askariga uu dhowr Xabadood kaga dhuftay Madaxa.

Intaasi kadib waxaa la sheegay in ay goobta soo gaareen Ciidamo  ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya kuwaas oo Gacanta ku dhigay Askarigii minashiibiyada ahaa ee qofka Shacabka aha dilay.

Falalka noocan oo kale ah ayaa dhowr mar waxa ay uga dhaceen Gudaha Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.