Home Afsomali Askari taraafikada ah iyo Shaqaalaha Golaha Shacabka oo siyaabo kala duwan...

Askari taraafikada ah iyo Shaqaalaha Golaha Shacabka oo siyaabo kala duwan gooni gooni ah loogu dilay Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, dabley hubeysan ayaa galabta rasaas ku furtay gaari ay la socdeen ilaa afar qof, kaasi oo marayay qeybo ka mid ah Waaxda Horseed ee degmada Waaberi.

Masuuliyiinta maamulka degmada Waaberi ayaa inoo xaqiijiyay warkan, waxayna inoo sheegeen in rag ku hubeysan Bastoolado ay rasaas ku fureen gaari nuuca raaxada ah oo ay la socdeen afar ruux oo midi ay haweeney tahay.

Maamulka degmada Waaberi ayaa sheegay in halkaasi uu ku geeryooday Cumar Dalxa Maxamuud oo ka mid ah shaqaalaha Golaha Shacabka, gaar ahaan qeybta Qasnajiga, halka uu ku dhaawacmay qof kale oo magaciisa lagu sheegay Cali C/laahi Cabdi oo ilaa hadda aanan la ogeyn waxa uu yahay, Haweeneyda iyo Darawalka gaariga ayaa badqaba oo aanay khasaare gaarsiin rasaasta.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta uu falka ka dhacay, xilli ay baxsadeen raggii weerarka geystay oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab, waxayna halkaasi ka qaadeen ninkii dhaawacmay oo la geeyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Ilaa hadda Masuuliyiinta Golaha Shacabka, kama aanay bixin wax faah faahin ah weerarkan lagu dilay Cumar Dalxa oo ka mid ahaa shaqaalaha Golaha Shacabka, balse waxaa socda baaritaanada dhacdadan la xiriirta.

Dhanka kale wararka aan ka heleyno degmada Shibis gaar ahaan isgoyska Maana-booliyo waxa ay sheegayaan in maqribnimadii  caawa halkaasi lagu dilay askari  lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed  Cali Nuur iley kaasi oo dhowr bilood Ka Hor lava Soo badakay Magaalada Jowhar  kana tirasanaa  Ciidanka ilaalada wadooyinka , kaasi oo ay dileen dabley hubeysan Xilimuu halkaa ka iibsanayey qaad waxaana ay ragii dilka geystay horey  u sii qaateen qarigii uu watay .

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa inta la guda galay bisha barakeysan Ramadaan wuxuu u muuqdaa mid faraha ka sii baxay, maadaama habeeno xiriir ah ay dhaceen dilal qorsheysan oo loo geystay dad kala duwan, ilaa hadda laamaha ammaanka ma aanay qaadin talaabo deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.