Home Afsomali Askari toogasho ku dilay qof rayid ah iskuna dayey in uu baxsado...

Askari toogasho ku dilay qof rayid ah iskuna dayey in uu baxsado oo si xeeladeysan gacanta loogu dhigay

Askari ka tirsan Ciidamada Xooga Soomaaliya isla markaana ka mid ah Ciidamada ay taba bartay Dowlada Imaaraadka ayaa goor dhow ku qof Shacaba ah ku dilay Isgoyska Kuliyada Jaala Siyaad wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Askariga dilka geystay ayaa isku dayay in uu baxsado laakiin Ciidamada Xooga ayaa gacanta ku dhigay Askarigii waxaana hadda ay ku sugan yihiin Askarigii dilka geystay iyo meydka qofkii Shacbka ahaa Xarunta dambi baarista ee CID-da.

Goob jooge ayaa sheegay in dilkaan uu dhacay kadib markii gaari Hoomey ah uu istaagay afaafka hore ee xarun halkaasi ay ku lahaayeen Ciidamada Xooga oo Askarigaan dilka geytay uu ka tirsanay, isla markaana ay Ciidamada ay rasaas ay ku fureen gaarigaas, waxaana rasaasta ay haleeshay mid ka mid ah dadka halkaasi ka ag dhawaa.

Saraakiisha Ciidamada amaanka ayaa wali ka hadlin dhacdadaan, iyadoona maalmahaan dambe uu soo badanayay dhibaatooyinka ay geysanayaan Ciidamada ka tirsan Dowlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.