Wararka ka imaanaya dagmada bacad ayaa shegayo in uu haatan dagaal culusi ku dhaxmarayo ciidamada dowlada oo gacan milatari ka helayo kuwa midowga Africa ee amisom iyeo alshabaab oo weeraray halkaa
Dagalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay qasaare nafeyd iyo mid maaliyadeed waxaana jirta in gaadiid dagaal iyo guryo lagu gubay intii uu dagaalku socday
Qeyladaan ay dirsadeen maamulka dowlada ee dagmada balcad ayaa waxaa gurmad ciidan ay weydiisteen ka jawaabay madaxwene ku xigeenka maamulka hirshabelle cali guudlaawe iyo gudoomiyaha gobolka sh/dhaxe axmed meyre makaraan oo diray hub ciidan iyo saanad military.
dadka deegaanka ayaa sheegay in ay guryaha ku dhaxjiraan ayna arkayaan ciidamada alshabaab oo wadooyinka socda waxaana jira guryo iyo gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidmada amisom in dab ay qabadsiiyeen
Dagaalka ayaa waxaa dhinac socdo biyo la.aan ka taagan deeganka u wabigu maro
Dagaalka oo socda darted weli lagama haayo faahfaahin intaa ka badan