Home Afsomali Banaanbax lagu yiri baddu iib maaha dhulkeenu gorgortana ma ka galo

Banaanbax lagu yiri baddu iib maaha dhulkeenu gorgortana ma ka galo

Banaanbax balaaran isla markaana  lagu diidan yahay damaca Kenya ee Biyaha Somaliya ayaa ka dhacay Taalada daljirka sahsoon ee Magalaada Muqdisho .

Isu soo baxaan ayaa waxaa ku kulmay kumanyaal shacab ka careysan kuwaas oo ka kala yimid dagmooyinka Gobolka banaadir iyo deegaanada ku heeran.

Dibadbaxayasha ayaa sitay boorar ay ku xardhan yihiin ereyo lidi ku ah dowlada Kenya waxaana ka mid ahaa badeenu ee iib maaha dhulkeenu gorgortana ma ka galo iyo ereryo kale.

Qaar ka mid ah dadkii la hadlay banaabaxa ayaa dowlada ka codsaday in maxkamad milatari la soo taago cidi Kenya ka iibisay bada dhabar ka toogashadana lagu xakumo.

Waxayna maamulka gobola banaadir ku eedeeyeen in ay ka gaabiyee kaalintoodii

Waan ku waan shacabka iskood isu soo abaabulay oo dareenkooda cabiraya .

Shacabka soomaliyeed ayaa arinta boobka bada ee keynya ka qaatay aragti mideysan oo ay ku diidan yihiin in taako ka mid ah bada soomaaliya lagu daro biyaha Kenya .

 

1 COMMENT

Leave a Reply to Mohamed Bashir Hashi Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.