Home Afsomali Banka Caalamiga ah ee Dahabshiil oo mar kale Muqdisho keentay Gaadiid...

Banka Caalamiga ah ee Dahabshiil oo mar kale Muqdisho keentay Gaadiid cusub (Daawo Sawirada)

Shirkada Dahabshiil Mators ayaa magaalada Muqdisho markii ugu horeesay waxa ay keentay gaadiid cusub oon horey loo isticmaalin, waxaana gaadiidkan  soo saartay shirkada gawaarida ee Hyundai.

Maamulaha Dahabshiil Motors Cawil Shariif Saalax ayaa sheegay in baabuurtan ay shirkada dalka keentay ay yihiin kuwa cusub oon horey aan loo soo isticmaalin ayna soo saartay shirkada Hyundai, waxa uuna tilmaamay in baabuurtan yihiin kuwa four wheel ah.

waxa uu sidoo kale sheegay maamulaha in baabuurtan yihiin kuwa awood badan leh oo lagu wadi karo dhulka bucaadka ah iyo wadooyinka kalaba, waxa uuna xusay in ay leeyihiin shan sano oo damaanad ah.

Maamule kuxigeenka Bangiga caalamiga ee Dahabshiil Osman Sheekh Axmed ayaa sheegay in bangiga  maali galin u sameyn doono una fududeyn doono macaamiisha dooneysa in gaadiidkan cusub iibsadaan.

Ugu dambeyn Madaxa suuq geynta iyo xiriirka dadweynaha ee shirkada Dahabshiil Group Cabdixaafid Cali Dirir ayaa sheegay in baabuurtan shirkada keentay diyaar yihiin, waxa uuna tilmaamay in shirkada diyaarineyso qalabka Spare partska ee baabuurtan cusub iyo halkii lagu hagaajin lahaa.

Magaalada Muddisho ayaa inta badan la keeni iiray baabuur aan cusbeyn oo mudo lasoo isticmaalayay, hasa ahaatee Shirkada Dahabshiil ayaa ka shaqeesay sidii dalka u keeni laheyd gaadiid cusub ana horey loosoo isticmaalin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.