Home Afsomali Beesha Caalamka oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh si xoogan ugu dhaleeceysay xariga...

Beesha Caalamka oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh si xoogan ugu dhaleeceysay xariga Cabdalla Muumin

Waxaa isasoo taraya dhaleeceynta dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh uga imaaneysa dowladaha Caalamka iyo Hay’adaha taageera Soomaaliya, taas oo la xiriirta xariga sharci darrada ah oo dowladda ay u geysatay Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmed Muumin.

Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa cambaareeyay xariga sharci darrada ahaa ee loo geysatay Xoghayaha guud ee Somali Journalists Syndicate – SJS, Abdalle Ahmed Mumin.

Qoraal kasoo baxay Safaarada dowladda Mareykanka ku leedahay Muqdisho ayaa waxaa lagu yiri” Mareykanka ayaa si dhow ula socda xarigga joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ku heyso Cabdalle Axmed Muumin , oo u ololeeya xorriyadda saxaafadda, taageerana horumarinta Warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa Warsaxaafadeed ay kasoo saartay xariga xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin lagu cambaareeyay.

“Boqortooyada Ingiriiska waxay aad uga walaacsan tahay xariga Cabdalle Axmed Muumin , Xoghayaha Guud ee SJS. Xoriyatul qawlku waxay saldhig u yahay dhamaan xuquuqul insaanka. Waxaan ku boorineynaa Soomaaliya in ay raacdo nidaamka sharciga ah & in dacwadda si cadaalad ah loo dhageysto.

Sidoo kale Guddiga difaaca Saxafiyiinta Afrika ee CPJ ayaa dhankooda si kulul uga hadlay, iyaga oo ka jawaabaya u doodaha xorriyadda saxaafadda ahna wariye madax-bannaan, Cabdalle Axmed Muumin, iyaga oo soo saaray bayaan ay ku baaqayaan in si degdeg ah loo sii daayo.

“Cabdalle Axmed Muumin waa nin aan cabsi lahayn oo aan ka daalin u dooda xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed inay si xor ah oo madax-bannaan u tabiyaan wararka. Xarigiisu waa gardaro aan la aqbali karin, waxaana shaki la’aan ah in uu cabsi badan u dirayo bahda saxaafadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri wakiilka CPJ ee Afrikada Saxaraha ka hooseeya, Muthoki Mumo.

“Mas’uuliyiinta dowladda waa inay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan Cabdalle Axmed Muumin, taa beddelkeedana ay ka shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa jawi ay saxafiyiinta Soomaaliyeed ku shaqeeyaan cabsi la’aan”.

Ugu dambeyn Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee amnesty qeybteeda Afrika ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xarigga aan sharciga ahayn ee xoghayaha guud we SJS Cabdalle Axmed Muumin.

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya waa inay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah u sii daayaan, sidoo kalena waa inay ixtiraamaan, ilaaliyaan oo ay horumariyaan xorriyadda hadalka ayaa lagu yiri” Warka Amnesty.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culeys want Gilligan kala kulmeeysa Beesha Caalamka taas oo la xiriirta Xariga Cabdalla Muumin, iyada oo la ogyahay in dowladda ay ku tiirsan tahay dhaqaalaha iyo taageerada Beesha Caalamka, lagana yaabo in dib u eegis lagu sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.