Home Afsomali Beesha Cabdalle Sabti oo kulan soo dhaweyn ah Muqdisho ugu sameysay Xildhibaan...

Beesha Cabdalle Sabti oo kulan soo dhaweyn ah Muqdisho ugu sameysay Xildhibaan Cadar Cali Maxamed Shalaqbeen

Dhaqanka iyo odoyaasha cabdalle oo kulan la qaatay Xildhibaan cadar ayaa u balan qaaday in ay kursiga beesha cabdalle ugu shaqeyn doonto sidoo kalana ka shaqeyn doonto midnimada horumarinta iyo sidii ay u heli lahaayeen beeshu matalaad dhab ah intaa ka dibna beeshu hambalyo duco soo dhaweyn iyo taageero ayay iskuugu dareen kulankuna jawi wanaagsan iyo farxad ayuu ku soo idlaaday sidaa darteen waxaa lagu heshiiyey war xumow lagu waa

Xildhibaan Cadar Cali Maxamed Shalaqbeen oo ka mid aheyd Xildhibaanadii dhawaan dhuusamareb lagu soo doortay ayaa Muqdisho beesheeda Cabdalle sabti oo ka mid ah Beel weynta Murusade soo dhaweyn heer keedu saryeeyso hambalyo iyo taageero ugu sameeyeen

Waxaan soo dhaweynta ka soo qeybgalay Xubno ka socday beesha Cabdalle sabti iyo taageerayaasha Xildhibaan Cadar Cali Shalaqbeen oo ka kala socday Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibo kale oo ay ehel iyo deegaan wadaag ahaayeen

Gudoomiyaha haweenka Gobolka Banaadiir Jawaahir baarqab Xildhibaan Canab Xassan senator Zemzem Xildhibaan dahabo suusowoo abwaan Xaliima Macalin kooxda barbaarta gaashaaman  iyo haween kale oo farabadan ayaa ka mid aheyd haweenkii soo dhaweeyey

Xildhibaan Cadar Shalaqbeen in badane isla soo wada shaqeeyeen ayaa sidaan Fikirkooda  ku cabiray

Xildhibaan Cadar Cali Maxamed Shalaqbeen oo iyada munaasibada Soo dhaweynta iyo Hambalyada iskuugu jirta loo sameeyey ayaa madashada Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka soo jeeedisay waxeynta ku dheeraatay u mahadcelinta intii ka qeybqaadatay iyo wasarada haweenka oo ay agaasime ka aheyd urruka haweenka qaranka gacana ka geysatay in ay ka mid noqoto Xildhibaanada Aqalka Hooose ee Golaha Shacabka

Kulan gaara oo ay la yeelatay odoyaasha dhaqanka siyaasiyiin waxgard Ergadii codka siisay

dhalinyaro iyo haween ee Besha cabdalle sabti ayaa Xildhibaan Cadar Cali Maxamed shalaqbeen  waxay beesha cabdalle sabti u balan qaaday in ay heli doonaan matalaad dhab ah isla markaana aan albaabkeedu ka Xirnaan doonin kursigana cabdalle sabti  loogu shaqeyn doono

Waxayna sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in ay ka shiqeyn doonto horumarinta iyo midnimada beesha Cabdalle

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.