Wararka naga soo gaaraya Degmada howlwadaag ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta
Sarkaalka la dilay ayaa ahaa laba xidigle ka tirsanaa saldhiga degmada Hodan laguna Magacaabi jiray Maalin waxaana toogtay koox ku hubeysan Bastoolado.
Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen sidoo kale waxaa goobta gaaray Saraakiisha Amniga halka uu dilku ka dhacay waa isbuuci labaad oo degmada howlwadaag lagu dilaayo 4 askri.