
Tan iyo markii isaga baxeen magaalada Bosaso tababarayaashii ciidanka badda Puntland ee ka soo jeeday wadanka Imaaraatka Carabta ayaa waxaa suuqyada magaalada Bosaso, gaar ahaan kuwa lagu iibiyo hubka noocyadiisa kale duwan soo buux dhaafiyey hub fara badan oo ku xireysnaan jiray keydka hubka ee xarunta ciidanka badda Puntland.
Qoryaha loo yaqaan AK74 ayaa lagu kala iibsanayaa magaalada, isla markaana la kala siisanayaa qiimo jaban,
Qiimaha qoriga AK47-ka ayaa la iibin jiray 1,500 oo doolar, halka hadda la kala siisanayo 8 ilaa 9 boqol oo doolar, maadaama hub fara badan soo buux dhaafiyry magaalada Bosaso.
Hubka ku jiray keydka xarunta ciidanka badda Puntland ayaa laga cabsi qaba in uu faraha u galo beelaha is haya oo isku adeegsadaan.
Waxaa kaloo jiray ilaa tan iyo markii isaga baxeen Imaaraatka magaalada Bosaso in magalaada lagu arkay gaaiidyo nooca raaxada ah oo an horey loo arkin.
Ilaa 4000 oo ciidan oo reer Puntland ah ayey gacanta ku hayeen xukuumadda Imaaraatka Carabta, lamana oga halka ay ku dambeyn doonaan ciidankaasi.
Xaalad amni daro ayaa sidoo kale laga qabsi qabaa in ay ka dhacdo magaalada Bosaso oo ciidankaasi ay dhibaato u geystaan shacabka haddii ay waayeen adeegyadii ay heli jireen.
Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa hadda soo gaaray magaalada Bosaso si uu u jaheeyo ciidankaasi.