Home Afsomali Boqorka Sacuudiga oo magacaabay Danjirayaal Haween ah 

Boqorka Sacuudiga oo magacaabay Danjirayaal Haween ah 

Boqorka Sacuudiga oo magacaabay Danjirayaal Haween ah  Safiirada Sacuudiga loo soo magacaabay oo lagu hor dhaariyay Ilaaliyaha Labada Masjid ee Barakeysan.

Wakaallada Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa baahisay inuu Boqor Salman Bin Abdiaziz xalay magacaabay dhowr Danjirayaal cusub oo 2 ka mid ay Haween yihiin.

Munaasabad uu Boqorka ku magacaabay Danjirayaasha cusub ayaa waxaa lagu qabtay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga ee Al Yamamah Palace oo ku yaalla Caasimadda Riyadh.

Ambassador Haifa Al Jedea waxaa loo magacaabay Danjiraha Boqortooyada u jooga Xarunta Dhexe ee Midowga Europe (EU) oo ku taalla Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Sidoo kale, Ambassador Nesreen Al Shebel waxaa iyagana loo magacaabay Danjiraha Boqortooyada u jooga dalka Finland.

Labadan Diplomasi waxay Tirada Guud ee Haweenka xilka Danjirenimo ka haya Sacuudiga ka dhigaysaa 5 Danjire oo wakiil u ah dalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, Haweeneydii u horeysay ee Danjire u noqota dalka Sacuudiga waxay ahayd Amiirad Reena Bint Bandar, taasi oo noqotay Safiirka Sacuudiga u joogay Maraykanka sanadkii 2019-kii

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.