Jimcada maanta oo ku beegan 29-ka bisha maarso ayaa ahayd maalintii EU iyo dalka boqortooyada Ingiriisku heshiiska ku gaareen inuu waddankaasi ka laabto xubinnimadii ururka Midowga Yurub – brexit, hase yeeshee aanay dhicin.
Qaar badan oo ka mid ah muwaadiniinta dalka boqortooyada Ingiriiska ayaa ka xun in aanu dalkaasi ku guuleeysan inuu ka baxo EU, sidii heshiisku ahaa. Muwaadinka John Banks oo ku dhaqan magaalada Stoke-on-Trent ayaa sheegay inuu lumiyay kalsoonidii uu siyaasiyiinta u hayay, middaasina oo ay ugu wacan tahay habka ey u maareeyeen qorshihii brexit.
– Waxaan u codeeyay inaan ka baxno EU, waana sababta aan uga xumahay, sida uu sheegay John Banks oo magaalada uu ka soo jeedaa ey dad badani ugu codeeyeen in EU laga baxo, hase yeeshee uu iminka dareemayo in aanay dhici doonin in EU laga baxo.
Banks ayaan u xanaaqsanayn oo keliya siyaasiyiinta ku guuleeysan waayay in Brexit laga baxo, iyo weliba dhammaan kuwii u ololeeynayay 2016 doorashadii loogu codeeynayay ka bixidda EU. Wuxuu aaminsan yahay iney ballan qaadayeen wax waxyaabo aaney fulin karin, cid soo hadal qaadey tusaale ahaan ma jirin caqabadda xudduudda uu dalkani la leeyaya Irland, sida uu qabo. John Banks ayaa iminka gaaray heer uu go’aansaday in aanu markan codeeyn.
– Waxay la macne tahay wakhti lumis. Xilldhibaannada baarlamanka ayuu muran dhex yaalaa, middaasina ugu wacan tahay in aaney jecleeysan natiijadii codeeynta ee bulshadu codkeeda u dhiibatay, sida uu sheegay Claes Aronsson, oo laanta wararka Ekot uga soo warama carriga boqortooyada Ingiriiska..
Maanta ayaa markii saddexaad loo codeeyn doonaa qorshihii heshiiska ee hoggaanka dalka Boqortooyada Ingiriiska, hase yeeshee u muuqata mid aanay ku guuleeysan doonin.
Ugu dambeeyn caawa fiidkii saacaddu markay tahay 11:00 ka ayaa loo baahan in heshiiskaa la aqbalo, si uu u hirgalo dib u dhigista brexit illaa iyo 22-ka bisha maajo, oo ku beegan maalin ka hor inta aanay dhicin doorashada xubnaha baarlamanka ee EU, haddii kale waxay dib u dhigistaasi socon doontaa illaa 12-ka bisha abriil.
EU-da oo go’aan ka gaareysa dib u dhigista brexit
Waxa su’aashu tahay inta ay la egtahay kalsoonida madaxda EU-da ku qabto in ra’iisal wasaaraha ingiriisku ku guuleysan karto siduu baarlamanka dalkaasi ku ogolaan lahaa heshiiska ka bixidda EU-da.
Haddii kale waxa adkaan doonto in madaxda EU-du ogolaato in dib loo dhigo brexit, sida uu sheegay safiirka EU-da Sweden.
– Laba jeer ayuu baarlamanka ingiriisku soo diidey heshiiska mana dooneyno iney taa dhacdo mar sadaxaad. Marka shakigaa isagoo jira ayaan waxan haddana aaminsanahay inuu jiro doonitaan xal, ayuu yiri Lars Danielsson, safiirka Sweden ee EU-da.
Qaar badan oo ka mida madaxda EU-da ayaa ku celceliyey in marka kaliya ee wakhtiga loo kordhin karo dalka ingiriiska uu yahay marka ay ra’iisal wasaare Theresa May la timaado sabab cad oo ku saabsan sida ay u isticmaali doonto wakhtiga loo kordhinayo.
Waxey aheyd shalay markii ay ra’iisal wasaaraha ingiriisku codsatay in ingiriiska loo kordhiyo wakhtiga uu kaga baxayo EU-da iyo inaaney taa dib uga dhicin 30-ka juun.