Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarig jaray buundada cusub ee laga hirgaliyay waddada 20-October ee degmada Waabari.
Buundadan cusub ee laga dhisay magaalada Muqdisho ayaa loogu magacdaray Badbaadada caruurta iyo ardayda, waxaana loogu tala galay in ay adeegsadaan ardayda dhigata iskuulka 21-ka October.
Xarigjarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir , maamulka degmada iyo maamulka shirkada Hormuud po gacan weyn ka geesatay hir-galinta buundadan.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in maamulka gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo dhismaha wadooyinka Caasimadda iyo buundooyinka.