Home Afsomali Cabdi weli gaas oo warbaahinada caalamka hortooda u sigtay in uu yiraahdo...

Cabdi weli gaas oo warbaahinada caalamka hortooda u sigtay in uu yiraahdo dowlada fadaraalku nama matasho halka Axmed madoobe weli uusan hadlin labaduba dubai ayey ku sugan yihiin xaalku waa hala qaraabto

Somalia  Madaxweynaha Puntland Abdiweli Gaas oo shir jaraa’id ugu qabtay Saxaafadda Caalamka magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka carabta, wuxuuna halkaa ka jeediyey qudbad nuxurkeedu ahaa Dawladda Federaalka Somalia ma metesho dalka Somalia iyo gaar ahaan Puntland, Xiriirka UAE iyo Puntland aad ayuu u wanaagsan yahay.

Waxaa kale oo uu Abdiweli Gaas muujiyey oo caalamka u sheegay Dawladda Federaalka Somalia in ay metesho kaliya Mogadishu, si uu taas u muujiyana wuxuuna carabka ku adkeeyey Soomaaliyana ma ahan Mogadishu, Mogadishu-na ma ahan Soomaaliya.

Abdiweli Gaas wuxuu sheegay in Puntland Somalia dhul ahaan ka tahay 3 meelood hal qeyb, dad ahaana ka tahay 4 qeybood hal qeyb, Puntland tahay dawladda kaliya saaran badda cas iyo badweynta India, Dastuurka Puntland qorayo in ay heshiisyo caalami ah geli karaan, kuna dhaqmayaan dastuurkooda, dawladda Somalia go’aan ka gaari karin arimahaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.