Waxaa bannaanka usoo baxay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Guudalawe Xuseen & Ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed kaddib markii ay isku qabteen hab maamulka Doorashada kuraasta taalla Baladweyne.
Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in Madaxweyne Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Dabageed kulan gaar ah ay yeesheen ay isku fahmi waayeen, sababta waxaa lagu sheegay in Cali uu rabo in tartan furan doorashadu noqoto halka Yuusuf uu damacsan yahay in Dadka loo xiro kuraasta qaar.
Muranka oo kasoo gudbay goobtii ay ku shirayeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo ku xigeenkiisa ayaa heer sare gaaray, waxaana guuldareystay dedaallo kala duwan uu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.
Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay TV-ga Universal ayaa sheegay in kulankoodii dhawaan labada mas’uul u muujiyeen rejo wanaagsan oo ah in Doorashada kuraasta taalla Baladweyne loo qabto si tartan furan ah.
Goodax ayaa sheegay in xogaha ay heleen ay sheegayaan in uu aragtidaas ay is baddesahay kaddib markii Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Dagabeed uu go’aansaday in kuraastaas dad loo xiro halka uu diiday Madaxweyne Guudlaawe.
“Khilaafka waxa uu salka ku hayaa culeys muddooyinkii dambe jiray oo la xiriira 11ka kursi ee Baladweyne lagu dooranayo, Madaxweynuhu waxa uu waafaqay in kuraasta la furo oo lagu tartamo halka madaxweyne ku xigeenka uu rabo in dad loo xiro, kulankii labadaan mas’uul ee Musharixiinta la yeesheen waxa ay u sheegeen in tartan furan la galayo oo way ku wada qanceen musharixiintu balse war ka duwan hadalkaas ayaa soo yeeray oo qoolkii ay sheegeen oo mid kamid ah uu rabo in uu ka baxo” ayuu Cabdullaahi Goodax Barre.
Yuusuf Dabageed ayaa 18kii December 2021 si aan ka gambasho lahayn u sheegay in Kuraasta taalla Baladweyne ay la rabaan Dad ay doonayaan, taasi ayaa keentay cabasho kasoo yeertay Musharixiinta, Odoyaasha Beelaha & Dhinacyada daneynaya Doorashada.