Canshuur bixiyaal aan helin adeegii Dowladeed Muqdisho ugu imaw.
Halkani waa Isgoyska Fagax oo u dhaxeeya Degmooyinka Yaaqshiid & Kaaraan waa ay go,doonsan tahay wadadan oo waxa yaalla biyaha aad u jeedaan.
Shacabka labadan Degmo waa Canshuur bixiyaal u hoggaansama awaamiirta Dowladda, balse iyagu ma helaan xuquuqdii Dowladda laga rabay oo ah Amni, Caafimaad, Nadaafad & Waxbarasho lacag la,aan ah.
Su,aasha waxa ay tahay gaadiidka Dowladda hoose ee Nadaafadda Gudoomiye Abdirahman Omar Osman ma gaaraan miyaa Isgoyska Fagax, mise kuma jirto Degmooyinka aad maamushaan ee Nadaafadooda masuuliyadda la iska saaro?
Nadaafadda Gobolka Banaadir wadada Maka Al Mukarama ma dhaafsiisno miyaa?