Home Afsomali Ciidamada Amniga degmada Walaweyn oo Gacanta ku dhigay Rag Burcad ah

Ciidamada Amniga degmada Walaweyn oo Gacanta ku dhigay Rag Burcad ah

Ciidamada Amniga degmada Walaweyn oo Gacanta ku dhigay Rag Burcad ah

Howlgallo  ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka ee ka howl gallo Dagmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa u suurto gashay inay Gacanta ku soo dhigaan Rag burcad ah oo ku shaqeysta inay ka socdaan Hay’adaha Gargaarka kadibna lacago uga qaataan Dadka.

Saraakiil laamaha Amniga Walaweyn ayaa sheegay in howlgalagalkaan uu ka dambeeyay kadib markii cabasho uga timid Shacabka ku dhaqan Tuulooyinka qaar ee hoos yimaada Dagmada Wanlaweyn sidaana ay ugu suura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan Afar Nin oo Burcad ah.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa todobaadyadaan duleedka degmada walaweyn ka waday howlgallo ka dhan ah Maleeshiyaadka  Al-Shabaab iyo Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanayay dadka Shacabka ah ee halkaas Safarka ku mara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.