Home Afsomali Talliye nabadsug uu fahad yaasiin u magacaabay Gobolka Shdhexe oo Jowhar laga...

Talliye nabadsug uu fahad yaasiin u magacaabay Gobolka Sh\dhexe oo Jowhar laga soo celiyey

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad siday Sarkaal ka tirsan NISA oo loo Magacaabay hoggaaminta Ciidanka NISA ee Shabeellaaha dhexe in laga soo celiyay Jowhar.

Sidda ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay Sarkaal waxaa  magacaabay Ku simaha Taliyaha Nabad Suggida Soomaaliya ahna Taliye Ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin, waxaana la sheegay Garoonka Diyaaradaha Jowhar inay u diideen inuu ka dago Ciidan Militari ah oo ku hayb ah Sarkaalka haysta Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe.

Dadaalo kala duwan oo la isku dayay in Sarkaalkaasi uu u gudbo Magaalada gudaheeda ayaa ugu dambeyn suurageli wayday, waxayna taasi keentay in dib uu ugu soo laabto Magaalada Muqdisho Sarkaalkii dowladda u magacowday Ciidamada NISA ee Gobolka Shabellaha dhexe. 

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa labo bil ka hor wuxuu magacaabay Taliyaha NISA ee Shabellaha dhexe, kadib markii xilkii laga qaaday Taliyihii hore oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdulaahi Xaayow, waxaana xilkaasi loo magacaabay Sarkaal lagu magacaabo Macalin Aadan. 

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Hirshabelle aysan ku qanacsaneyn in loo soo magacaabo Taliyaha Nabad Suggida Gobolka Shabellaha dhexe, xilli uu joogo Sarkaal Madaxweynaha Hirshabelle uu magacaabay, balse labadii bilood ee la soo dhaafay Saad & taageero uu ka waayay dowladda Soomaaliya. 

Previous articleFour Police Officers Injured In Grenade Attack In Mandera
Next articleRa’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Dekadaha Iyo Taliska Booliiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.