Home Afsomali Ciidamada Bolice ee isbaaradu u taal isgoyska Kuliyada ka oo si gardarada...

Ciidamada Bolice ee isbaaradu u taal isgoyska Kuliyada ka oo si gardarada u dilay wiil Bajaajle ahaa 

Askari katirssn ciidanka booliiska ayaa caawa xilligii afurka Isgooska Kuliyadda Jaale Siyaad ku dilay Daa’uud Cadar Cilmi oo ahaa Wiil dhallinyaro ah oo mooto bajaaj ku shaqeysta, kana mid ahaa dhallinyarada degan xaafada Raadeelka ee degmada Dayniile.

Goobta dilku ka dhacay waxaa koontarool ku leh ciidanka booliiska oo gaadiidka halkaasi ku baara, waxaana war aan helay sheegayaan in uu baxsaday askariga dilka geestay.

Meydka Marxuumka ayaa loo qaaday xarunta Dambi baarista CID-da, lamana oga sababta wiilkan caruurtiisa u xoogsanayay u dileen ciidanka Dowladda.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa nin aan daris aheyn sannado badana Dugsi Quraan wada dhigan jirnay, waxa uuna ahaa aabe u xamaasha caruurtiisa oo ah saqiiro ah cidna aan dulmin.

https://youtu.be/-v4YXEBg6aQ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.