Home Afsomali Ciidamada Dowlada iyo Maamulka deegaanka leego oo horey u sii raacay kolkii...

Ciidamada Dowlada iyo Maamulka deegaanka leego oo horey u sii raacay kolkii AMISOM ay ka baxeen halkaasi

Wararka Isomalisan.com ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Deegaanka Leego ee Dhaca Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaayo in Ciidamada Nabadilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ay iskaga baxeen Halkaa oo ay ku lahaayeen fariisimo Ciidan iyada oo aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa.

 

Wararka ayaa intaa ku daraayo in AMISOM oo kaliya ayna deegaankaa faarujin oo ay horay usii raaceyn Maamulka Deegaankaasi iyo sidoo kale wax xoogaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya oo iyaguna halkaa saldhig Ciidan ku lahaa.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameeney maamulka Deegaankaas ayaanan inoo suurta geli, waxaase la maleynayaa in Dagaalyahanada alshabaab ay Gacan ku heynta deegaankaasi la wareegaan saacadaha inasoo aadan, iyadoo aynu ka shidal qaadaneyno deegaano dhowr ah oo ay horaan AMISOM iyo Ciidamada Dowladda ay iskaga baxeen oo ay Durbadiiba ay la wareegeen alshabab.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.