Home Afsomali Ciidamada dowlada iyo macaawisleyda oo alshabaab kala wareegay Jiciboow, Booco, Nuur-fanax iyo...

Ciidamada dowlada iyo macaawisleyda oo alshabaab kala wareegay Jiciboow, Booco, Nuur-fanax iyo deegaanno kale oo u dhaxeeya Beledweyne iyo Buula-burde.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ee Macawiisleyda ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan degaano ka kala tirsan Gobolada Hiiraan iyo mudug ee Mamaulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Howlgalka koowaad oo shalay soo billaawday ayaa waxaa ay Ciidamada ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka mudug, waxaana la sheegay inay la wareegeen degaannada  Cadaad iyo Tuulo Xaaji, halkaas oo weerarada ay kasoo abaabuli jireen Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada degaanka ayaa waxaa ay sheegeen in ay howlgallada kudileen 30 katirsan Al-Shabaab, kuna burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.

Dhinaca kale Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa degaanka ayaa weli waxaa ay howlgallo ka wadaan degaano hoostaga degmooyinka Buulo-Burde iyo Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalalda ayaa waxaa hoggaaminaya u qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Macawiisleyda Cali jeyte Cismaan, waxaana ay kula wareegeen degaannada kala ah, Jiciboow, Booco, Nuur-fanax iyo deegaanno kale oo u dhaxeeya Beledweyne iyo Buula-burde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.