Home Afsomali Ciidamada Dowlada Oo La Wareegay Degmada Galcad

Ciidamada Dowlada Oo La Wareegay Degmada Galcad

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo tobanaan sano ah ay maamulayeen.

Ciidamada ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgallo ka waday tuulooyin u dhow degmada Galcad balse ugu dambeyn maanta ay gudaha u galeen kadib markii iyada oo aan wax dagaal ah dhicin ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa duqeymo diyaaradeed ay ka dhaceen deegaano hoostaga degmada Galcad, taas oo lala beegsaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sidii guud ahaan Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Galgaduud,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.