Faah faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda ay ka sameeyeen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Howlgalka oo ka dhacay waaxda koowaad ee degmadaasi ayaa intii uu socday wuxuu iska hor imaad dhex-maray kooxo burcad ah iyo ciidamada ammaanka oo ku raad-joogay.
Is-rasaaseynta oo muddo kooban socotay ayaa waxaa lagu dilay mid ka mid ah raggii hubeysnaa, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Xasan Cadow Xabad-Weyne.
Weli maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka dowladda kama hadlin dhacdadaasi, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid degan.
Muddooyinkii la soo dhaafaay shacabka ku dhaqan Dharkenley ayaa waxa ka cabanayeen rag burcad ah oo dhibaatooyin kala duwan ka geysanayey gudaha degmadaasi.