Home Afsomali Ciidamada dowlada taagta daran oo isaga baxay dagmada batabaan iyo alshabaab  oo...

Ciidamada dowlada taagta daran oo isaga baxay dagmada batabaan iyo alshabaab  oo si nabad ah  kula wareegay

Ciidamada dowlada taagta daran oo isaga baxaybdagmada batabaan iyo alshabaab  oo si nabad ah  kula wareegay
Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa galabta la wareegay guud ahaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo ay hore ugu sugnaayeen Ciidamada dowladda, sida ay KNN u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Dagaalameyaasha ayaa shacabka ku amray in aysan wax dhaqdhaqaaq ah sameyn karin, taasi oo cabsi xooggan ku abuurtay dadka deegaanka.

Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa degmada ayaa isaga baxay, waxaana ilaa hadda la oggeyn sababta keentay in ay banneeyaan Matabaan oo ah degmo muhiim ah.

Saraakiisha iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale weli ka hadlin tillaabada ay Al-shabaab kula wareegeen degmada Matabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.