Home Afsomali Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah sameeyay

Ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS oo howlgal wadajir ah sameeyay

Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka ATMIS iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaadey Howlgal dagaal oo wadajir ah oo ay ka sameeyeen wadada u dhaxeysa degmada Balcad iyo Tuulada Galooley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wadadaas ayaa dhowr jeer waxaa weerar ka fuliyay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, iyaga oo beegsaday Mas’uuliyiin iyo Askar katirsan dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey jidgooyooyin sharcidaro ah oo ay dhigeen Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale ATMIS ayaa waxaa kaloo sheegtay in howlgalka looga hortegay Xubno katirsan Al-Shabaab oo  qorsheynayey iney weeraro ku soo qaadaan Ciidamada Dawlada, ATMIS iyo shacabka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.