Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa HirShabelle saacadihii lasoo dhaafay uga sameeyeen deegaano hoostaga degmooyinka Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo ay wehlinayeen guddoomiyeyaasha Maxaas iyo Matabaan, waxaana ciidamada huwanta ay kula wareegeen deegaanno ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Matabaan, Bashiir Cabdirixman Sheekeeye oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaas iyo deegaannada lagula wareegay.
“Deegaannada waxaa kamid ah Bacda, Beer-Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees & Deegaanno kale, Howlgalka waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle & Galmudug, Hay’adaha Samafalka waxa aan ugu baaqeynaa in ay gargaar siiyaan Dadka Abaartu saameysay, waxa ay u baahan yihiin cunto, biyo & waxyaabaha aasaaska u ah dhanka Nolosha” ayuu yiri Bashiir Sheekeeye.
Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa daraawiishta HirShabelle ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka waday deegaano dhowr ah oo hoostaga gobolka Hiiraan.