Home Afsomali Ciidamada Ethiopia Magaalooyinkii ay ka baxeen dowladu maxay u dayacday

Ciidamada Ethiopia Magaalooyinkii ay ka baxeen dowladu maxay u dayacday

tayaglow

Ethiopia ayaa ciidamada ka joogo gudaha ciidamada somaliya loo kala qeybiyey kuwo sharciga AMISOM ku jooga iyo kuwa xoogooda ku jooga waxaana dalka in ay isaga baxaan bilaabay kuwii dulsaarka ahaa .

Cidamada AMISOM ayaa dagaalo aad u qaraar alshabaab kula galay Jannaale, Ceel-Cadde iyo Halgan.

Xildhibaan afaraale ayaa saxaafada u sheegay in dagmada tayaglow alshabaab ku gowraceen ilaa 5 ruux halka qaar kalana la la.yahay Ciidamada dowlada iyo kuwa maamulada oo buuxin waayey halkii ay ka baxeen ciidamada Ethiopia ee aan sida sharciga ah dalka ugu joogin

Ethiopia waxay sheegtay in ciidamadooda ku jira isbaheysiga AMISOM ay sii joogi doonaa Soomaaliya, ayna ka hoos dagaalami doonaan taliska midowga Africa balse waxay sheegtay in talaabadan ay tahay mid lagu soo daad-gureynayo kuwa aan u tirsaneen AMISOM.

 

Sidaas si la mid ah taliska AMISOM, wuxuu isna sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwa markii horeba danahooda u joogay Soomaaliya oo aanan u xisaabsaneen isbaheysigooda, Islamarkaana Itoobiya ay u madaxbanaan tahay danaheeda gaarka ah sida uu sheegay afhayeenka AMISOM, Lt. Col. Joe Kibet Murrey.

Raiisal wasaaraha dalkaasi Ethiopia ee hatan ay ka bilaaabmeen dagaalada ayaa goor sii horeysay warbaahinta caalamka u sheegay in ay jogitaanka Ciidamadoda ay ku ilaashanayaan danahoda .

 

waxayna ciidamada dulsaarka haatan ay bilaabeen in ay ka baxaan deegaano ay joogeen bulshoiyaga taageerta iyo maamulada dowlada ee halkaa ka abuuray maamulo daaqili ah hase yeeshee fariisimihii ay ku lahaayeen bartahama iyo koofurta soomaaliya ayaa waxaa si sahal ah ula wareegey alshabaab oo markii horaba ka dheereen rugaha cidamadu joogeen .

 

arinta ka bixitaanka ciidamada dalkaasi Ethiopiya waxay dhalisay in alshabaab gacanta ay u gasho deegaano badan oo ay joogeen ciidamada dowlada iyo kuwa maamulada qaarkod .

waxayna saameynta ugu weyn ku yeelatay dadkii taageeray soo galitaanka ciidamada ee dagaanada ay baneeyeen ciidanka danta iyo ujeedka ka lahaa markii horaba hase yeeshee dadkii deegaanka ayaa noqday kuwa horey u sii raaca baqdin ay alshabaab ka qabaan darteed kuwa iska aaminay iyo maamulkii dowladeed oo meeja ka baxay .

ilaa iyo sagaal magaalo in ka badan ayaa isbedelkaasi ka dhacay ilaa iyo haatan waxaana jira kuwo la sheegay in dil iyo gowrac loo geystay.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.