Home Afsomali Ciidamada Kenya oo taangi looga gubay jasiirada laamuu dagaal ay la...

Ciidamada Kenya oo taangi looga gubay jasiirada laamuu dagaal ay la galeen alshabaab ( DAAWO SAWIRADA )

Askaari ka tirsanaa ciidamada kenyaa ayaa ku  geeryooday, qarax miino dhulka ay ugu aaseen alshaabaab waxaana dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen shan kalena waxaana Qarax lagula eegtay Jasiirada  Lamu ee ku dhow xuduuda beenaadka Soomaaliya ay la leedahay Kenya.

Qaraxa miino , ayaa sidoo kale waxaa uu bur-bur xooggan uu u geystay mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee  ciidanka.

Ciidamadda milatariga Kenya, ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid Al Shabaab ay ku aaseen hareerta wadado ay ciidanku mari jireen

Dadka deegaanka ayaa sheegay, in ciidamo badan iyo diyaarado la geeyay deegaanka si ay u-xoojiyaan ciidamada qaraxa lagula eegtay.

Dhanka kale Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegta in ay dileen afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Kenya kadib weerar ku qaadeen kolanyo gadiid ah oo la socdeen ciiidamada Kenya jasiirada Lamu.

 

Afhayeenka dhanka howgfalada albabaab ayaa sheegay  in qaraxyada oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay lala eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya, waxaana dad goob joogayaal ay sheegayaan in qaraxyada ay waxyeelo ka soo gaartay gaadiidka ay wateen.

Ma ahan markii u horeysay ee ciidamada Kenya qaraxyo lagula eegto Jasiirada  Lamu, wixii ka dambeeyay markii ciidamada Kenya gudaha u soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011, waxaa sii kordhayay weerarada qaraxyada ee lala eegnayay.

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.